Dowlada Somalia oo wax lala yaabo ku tilmaantay hadalkii ka soo yeeray Shiikh Shariif

Dowlada Somalia ayaa caawa saqdii dhexe jawaab ka bixisay hadalkii ka soo yeeray Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Shiikh Axmed oo ku dhaartay iney ridayaan dowlada federaalka haddii ay joojin weyso xad gudubyada ay ku kaceyso.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Somalia Maxamed Cabdi Maareeye oo goor dhow ka hadlay telefishinka Qaranka ee SNTV ayaa ku tilmaamay hadalka Shiikh Shariif wax lala yaabo oo filan waa ku noqday dowlada shacabka Soomaaliyeed.

“Dowlada Somalia waxay aad ula yaabtay hadalkii lama filaanka ahaa ee ka soo yeeray Madaxweynihii hore ee Somalia Mudane Shariif Shiikh Axmed oo ahaa hadal filan waa ku noqday shacabka Soomaaliyeed kaasoo aan u qalmin maqaamka iyo karaamada laga filan karo qof dalkaan astaan qaran u soo noqday” ayuu Wasiirka Warfaafinta.

Maareeye ayaa ugu baaqay Madaxweynihii hore ee dalka inuu dhowro magaciisa iyo sharafkiiisa, kana taxadaro wax kasta oo dhaawacaya muuqaalka Qaran ee uu xambaarsan yahay.

“Dowlada Soomaaliyeed, madaxdii hore ee qaranka iyo cid kasta oo dooneysa dalku inuu horey u socdo waxaa waajib ka saaran yahay ilaalinta Midnimada, badqabka iyo amniga guud ee dalka, ummadda Soomaaliyed waxay maanta hiigsaneysaa horumar iyo nabad, cid kasta oo hogaan soo qabatay waxaa laga sugayaa iney ka qeyb qaataan xoojinta himilooyinka iyo rajada shacabka Soomaaliyeed” ayuu hadalkiisa ku soo gebagebeeyey Wasiirka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -