Allbanaadir.com
NEWS

Isimada Puntland oo go’aamiyay in Golaha Wakiillada noqdaan 49 xubnood meeshana ka saaray..

Shir ay magaalada Garawe ee caasimadda maamulka Puntland ku yeesheen qaar kamid ah isimada maamulka Puntland ayey go’aan kasoo saareen khilaafka ka taagan in matalaad ku yeeshaan golaha wakiillada xubnaha kasoo jeeda deegaannada SSC Khaatumo.

Isimada Puntland ayaa goordhaw War-murtiyeed ay soo saareen ku go’aamiyay in xildhibaannadii beesha Dhulbahante ku laheyd Puntland meesha laga saaro lana soo xulo kaliya 49-xildhibaan ,kuwaa oo madaxweynaha dooranaya.

War-murtiyeedka ay soo saareen isimada ayey sidoo kale ku dalbadeen xubnaha Khaatumo kumatelaya guddiga xalinta khilaafaadka iyo xulista xildhibaannada booska baneeyaan, maadaama deegaannadooda xubno aan laga soo xuleyn.

Isimada Puntland ayaana kasoo horjeestay hadalkii madaxweyne Siciid Deni xalay jeediyay ee ahaa in xildhibaannada kasoo jeeda deegaannada Khaatumo ay qeyb ka noqonayaan doorashada dhawwaan dhaceysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Deni & danjire C/fitaax C/hi Xasan oo shir jaraa’id ku qabtay Madaxtooyada Puntland

Caydiid Ali

Saadaq Joon oo joojiyay Kulankii Baarlamaanka ee Maanta Awoodna lasoo baxay

Cabdi Cade

Dayuurado duqeeyey dagaalyahano iyo saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---