Maraykanka oo baaq ka soo saaray khilaafyada Siyaasadeed ee ka jira Somalia

Maraykanka ayaa War ka soo saaray xaalada siyaasadeed ee dalka oo mudooyinkan ay ku soo kordhayeen khilaafyo siyaasadeed oo u dhexeeya dowlada federalka, siyaasiyiinta mucaaradka iyo madaxda dowlad goboleedyada dalka qaarkood.

Qoraal ka soo baxay safaarada Maraykanku ku leeyahay Somalia ayaa ku booriyey dowlada federaalka iyo dhinacyada kale ee siyaasada iney ka shaqeeyaan nabada iyo dib u heshiisiinta.

“Dowladda Mareykanka waxay ku boorineysaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, dhammaan Dowladaha xubinta ka ah Federaalka, iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay ka shaqeeyaan dib u heshiisiin siyaasadeed, iskaashi, iyo midnimo ayadda oo loo marayo  wadahadal nabadeed” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay safaarada Maraykanka.

Soomaaliya waxay ku tallaabsatay horumar wax ku ool ah oo laga dareemayo dhinacyadda muhiimka ah ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka, Waxaan ku dhiirigelinaynaa baa la yiri dhammaan inay isu yimaadaan oo ay la shaqeeeyan saaxiibada Soomaaliya ee caalamiga ah si loo helo nabad, xasilooni, iyo barwaaqo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -