Iska horimaad dhimasho & dhaawac geystay oo saaka ka dhacay duleedka Boosaaso

Iska horimaad ayaa la soo sheegayaa inuu saaka ka dhacay degaanka Mareero ee duleedka magaalada Boosaaso kaasoo dhexmaray Ciidamada amniga Puntland iyo maleeshiyo hubeysan oo ilaalo ka ah goob tahriibka laga daabulo oo ku taalla degaankaas.

Ugu yaraan labo qof ayaa lagu dilay dagaalka halka shan kale ay ku dhaawacmeen, sida wararku sheegayaan.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in dagaalkan uu yimid kadib markii ciidamada amniga ay weerar ku qaadeen maleeshiyada tahriibka dadka ku howlan ee ku sugan degaanka Mareero oo 10-Km galbeed ka xiga magaalada Boosaaso.

Maleeshiyada ayaa lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dil shalay askari ka tirsanaa ciidamada madaxtooyada Puntland loogu geystay magaalada Boosaaso.

Ciidamada ayaa dagaalka ka dib saaka waxay halkaasi kasoo qabteen qaar ka mida maleeshiyada degaanka ku sugneyd, iyadoo dadka iska horimaadkan wax ku noqday lagu daweynayo isbitaalka magaalada Boosaaso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -