Turkiga oo wiiqaya Rejadii ay dalalka Sweden iyo Finland ka qabeen in ay ku biiraan NATO

Dalalka Sweden iyo Finalnad ayaa horey u gudbiyay codsi ay ku doonayeen in ay kamid noqdaan Gaashaanbuurta NATO, waxaana fulinta codsigaasi kahor lagu xiray in ay fuliyaan shuruudo adag ay dowladda Turkiga hordhigtay labadan dal.

Turkiga ayaa markii hore kahor yimid in labadan dal xubin ka noqdaan Gaashaanbuurta NATO, balse dedaal dheer kaddib ayaa turkiga oggolaaday in dalalkan xubin ka noqdaan NATO haddii ay fuliyaan shuruudo uu ku xiray.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa sheegay in Sweden iyo Finland aysan weli gudan dhammaan waajibaadkii ka saarnaa heshiiskii u oggolaanayay in ay ku biiraan is-baheysiga NATO, welina ay tahay inay qaadaan tallaabooyin muuqda.

Mevlut Cavusoglu, oo uu weheliyo Xoghayaha Guud ee NATO Jens Stoltenberg, ayaa magaalada Istanbuul ka sheegay in dowladda cusub ee Sweden aysan weli kasoo bixin shuruudihii ay ku xireen si ay NATO ugu biirto.

Sweden ayaa bishii hore ee October laashay xayiraaddii saarnayd in qalab milateri loo dhoofiyo dalka Turkiga, kadib markii dalka Waqooyiga Yurub uu go’aansaday inuu ka mid noqdo xulafada milateri ee NATO, isla markaana heshiis laga gaaro diidmadii Turkiga.

Labada dal ee Sweden iyo Finland ayaa horey u joojiyay in hub loo dhoofiyo dalka Turkiga sannadkii 2019-kii, waxa ayna taasi keentay in uu xumaado xiriirka Turkiga kala dhaxeeyay labadaasi dal uu isna kaga aarsaday in uu kahor yimaado ku biiristooda NATO.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -