Ciidamo ay tababareen Saraakiil Ingiriis ah oo maanta tabar loo soo xiray (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa maanta tababar usoo xiray ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya oo tababar ay siiyeen saraakiil u dhalatay dalka Britain.

Munaasabad ciidankan tababarka loogu soo xiray waxaa kala qeyb galay Madaxweynaha Koonfur Galbeed masuuliyiin iyo saraakiil ka socotay dowlada federaalka, Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya iyo masuuliyiin kale oo katirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Dowladda Ingiriiska iyo Saraakiisheeda ku sugan gudaha  Soomaaliya ugu mahad celiyay tababarrada ay siiyaan Ciidanka xoogga Dalka.

Lafta Gareen ayaa ciidankan tababarka mudada labada bil ah socday soo dhameestay kula dar daarmay in ay si daacad ah ugu shaqeeyaan Qarankooda, waxa uuna ku booriyay in laga sugayo in cadawga ka ka xureeyaan deegaanada Koonfur Galbeed.

Safiirka dowlada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya oo isna ka hadlay munaasabada  ayaa balan qaaday in Dowladda Somaliya ay ka taageeri doonan tayanta iyo tababarrada Ciidanka xooga Dalka ,si amniga Dalka ay ula wareegaan dhowaan.

Dowlada Ingiriiska ayaa dhawaan magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxa ay dhawaan ka hirgalisay xero loogu tala galay in ciidamada lagu tababaro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -