Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

(Sawirro) Duuliye shaqada laga Mamnuucay inta noloshiisa ka hartay & sababta

Duuliye u dhashay dalka Shiinaha ayaa shaqada duuliyaha laga mamnuucay inta noloshiisa ka dhiman, ka dib markii haweeney ay isku sawirtay halka ay duuliyeyaasha fariistaan ee shirka diyaaradda xili dayuuradu ay hawada ku jirtay.

Sawirka oo la qaaday horraantii sannadkan waxaa laga qaaday duulimaad ka tirsan shirkadda diyaaradaha ee Air Guilin, taasoo u kala safreesay Magaalada Guilin iyo gobolka Yangzhou.

Sawiirkan wuxuu si weyn ugu baahay baraha bulshada toddobaadkan, taasoo keentay in shirkadda ay talaabo qaado.

Sawirka wuxuu muujinayaa haweeney sawir ku gashay halka duuliyeyaasha ka kaxeyaan diyaaradda, horteedana ay yaalaan cabitaano.

Shirkadda Air Guilin ayaa sheegtay in duuliyehaas uu ku xadgudbay shuruucda badqabka rakaabka, iyadoo Wararka qaar ay sheegayaan in gabadha sawirka ka muuqata ay tahay gabar baratay duuliyenimo, ayna ahayd qof tababar ku jira, kana soo baxay jaamaacadda Guilini ee dalka Shiinaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka dowladda oo la wareegay deegaano Al Shabaab ka joogeen Hiiraan (Sawirro)

Cabdi Cade

Masuuliyiin dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali

Dowlad Shisheeye oo Somaliland ka taageereysa carqaladeynta hawada Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---