Madaxweynihii hore ee Somalia oo ka hadlay iscasilaada Guddoomiye Jawaari

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka hadlay iscasilaada guddoomiyihii hore ee Baarlamanka Somalia Maxamed Cismaan Jawaari oo maanta si rasmi ah fadhigii baarlamanka uga dhawaaqay  iscasilaadiisa.

Xasan Shiikh oo afartii sano ee uu Madaxweynaha ahaa ay soo wada shaqeeyeen gudoomiye Jawaari ayaa soo dhoweeyey talaabada uu xilka uga tanaasulay si loo badbaadiyo Qaranka, wuxuuna xusay Xasan Shiikh iyo Jawaari uu ahaa shaqsi khibrad u leh hogaaminta baarlaman dal ka soo kabanaya burbur iyo dagaalo sokeeye.

Fariin uu bartiisa facebook soo dhigay Xasan Shiikh ayuu hadalkiisa ku bilaabay sidan:-

Maanta dalka Soomaaliya iyo dowladnimadisaba, waxaa la xaqiijiyay xoojinta dhaqanka dulqaad ka, tanasulka iyo u turidda hay’adaheenna curdanka ah ee u baahan in loo dhowro sida MOYDA isha oo kale.

Waxaan halkaan bogaadin iyo ammaan uga soo jeedinayaa guddoomiyihii hore ee GOLAHA SHACABKA ee BFS Md. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari.

Mudane Jawaari wuxuu ahaa nin leh khibrad iyo waayo aragnimo uu ku hoggaamiyo baarlammaan uu leeyahay dal ka soo kabanayo dhibaatoiyin hore ee siyaasadeed.

Wuxuu ahaa ruug caddaa cilmiga shuruucdii iyo taariikhdii sharci dejinta dalkeenna.

Waxaan ka marqaati kacayaa, muddadii aan la soo shaqqeyay inuu ahaa guddoomiye lagu soo meel maray dulqaadkiisa iyo fahamkiisa duruufaha dalku marayo. Sida ka muuqatay hadal jeedintiisii maantana, wali Soomaaliya wey u baahan tahay iney wax ka barato dhibkii la soo maray iyo sidii looga soo sammatabaxay.

Intaa ka dib, waxaan ku talin lahaa golaha shacabka BFS iney mar kale aad uga fiirsadaan oo ay ka fakaraan iney hoggaanka u dhiibtaan nin geesi ah oo QABKIISA u liqi kara guud ahaan maslaxadda dalka gaar ahaanne tan GOLAHA SHACABKA.

Yaaney naga lumin guulaha uu Md. Jawaari sheegay iyo kuwa faraha badan oo aanuu sheegin waqtiga awgiis. Waxaan leeyahay xildhibaanow mar ayey talo kula gudboon tahay ee dooro guddoomiye aad ku halleyn karto ka mira dhalinta dhaartii aad martay.

ILAAHEY HANNA WAAFAJIYO TALADA TOOSAN.
GUUL IYO GOBANNIMO

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -