Amiirad ka baxsaneysay dowlada Imaaraadka Carabta oo la waayey (Daawo Sawirro)

Koox dhanka sharciga u ololeysa oo ku sugan London ayaa ugu baaqay Imaaraatka Carabta inay ka jawaabaan waxa ku dhacay amiirad soo duubtay muuqaal ay ku sheegeyso in aabbaheed oo ah ninka xukuma Dubai uu nolosheeda khatar geliyay.

Sheekha Latifa Al-Maktuum ayaa waxay isku dayaysay in ay ka baxsato dowladda Imaaraadka, iyada oo bishii Maarso raacday doon Mareykanka ka diiwaan gashan.

Doonta ayaa iyada oo ku sugan biyaha caalamiga ah waxaa soo raacay askar rabshad kala hortagay shaqaalihii doonta kuwaas oo markii dambe xoog ku kaxeystay gabadhaasi oo markii dambe la geeyay dalka Imaaraadka.

Kabtanka doonta Herve Jaubert ayaa sheegaya in xabsi la geliyay, lana garaacay ka hor inta aan loogu hanjabin in la dili doono balse markii dambe la fasaxay.

Gabadhan ayaan haatan la ogayn halka lagu hayo balse muuqaal ay kal hore soo dhigtay Youtube-ka ayay ku sheegtay in aabaheed uu xabsiga dhigay isla markaana uu jirdil ku sameeyay.

Muuqaalkaas ayay Sheikha Latifa ku sheegtay in amar uu bixiyay aabbaheed Sheikh Mohammed bin Rashid al Maktoum, loo dhigay xabsiga kaddib markii ay caawisay walaasheed oo mucaarad ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -