Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiir Beyle oo daahfuray dhaqan gelinta Miisaaniyada dowladda ee sanadka 2019

Dhaqan galka Miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sanadka 2019 ayaa maanta si rasmi ah u bilaabatay ka dib munaasabada ballaaran oo ka dhacday magaalada Muqdisho.

Wasiirka Maaliyadda  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa  maanta si rasmi ah u Daah-furay isticmaalka Miisaaniyadda Dalka ee sanadkan 2019.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya iyo Hanti Dhowraha guud ee Qaranka ayaa sheegay in miisaaniyaddii dalka ee 2018 si wanaagsan loo isticmaalay, iyagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in midda 2019 si lamid ah iyo si ka sii hagaagsan loo isticmaalo.

Dadaalka ay waddo wasaaradda Maaliyaddda Dalka marka laga soo tago horumarinta dhaqaalaha dalka waxaa sidoo kale kamid ah, qorshe Soomaaliya deymaha looga cafinayo,iyo sidii dalka lacago cusub loogu soo daabici lahaa.

Dhawaan ayay ahayd markii Baarlamaanka Soomaaliya uu ansixiyay miisaaniyadda dalka ee sanadka 2019, iyadoo maanta wixii ka dambeeyey si toos ah loo isticmaali doono.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo shaacisay tirada ciidamada Itoobiya uga dileen Weerarkii maanta

Cabdi Cade

Dowladda Soomaaliya oo Shahaado Sharaf guddoonsiisay una mahad-celisay Jorge Vargas

Cabdi Cade

Xildhibaanad sheegtay in la faraxumeeyay oo shaqada laga ioojiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---