Shirkado badan oo ku tartamaya shidaalka Soomaaliya iyo bixinta shatiyada oo ..

Shirkado badan ayaa ku tartami doona helista shatiyada Shidaalka ay bilaabeyso in ay dowlada federaalka Soomaaliya gaar ahaan Wasaarada Macdanta iyo Batroolka, waxaana shatiyada bixintooda bilaabaneysaa bisha Dcember ee sanadkan.

Wasiirka batroolka iyo macdanta ee Dowladda Federaalka Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa sheegay in shirkado badan ku tartamayaan sidii ay u heli lahaayeen shatiyada shidaalka ay bixineyso wasaarada.

Waxa uu sheegay Wasiirka in ay doonayaan in ay soo jiitaan shirkado badan oo caalami ah gaar ahaan kuwa Shidaalka, waxa uuna xusay in ay socoto qorshe dowlada ku bixineyso shatiyadii ugu horeesay.

Wasiirka ayaa sheegay in ay soo bandhigayaan 15-xirmo oo kamid ah shidaalka Soomaaliya, isagoona tilmaamay in maclumaadka la xiriira sahankii dhawaan laga sameeyay 15-ka xirmo, laga yaabo in ay ku jiraan shidaal dhan 30 bilyan oo fuusto.

Wuxuu intaa ku daray in halka laga helay xirmooyinka cusub ay ka fog yihiin xalka ay ku muransan yihiin Soomaaliya iyo Kenya, dacwadaas oo haatan hortaala maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxweynah dowladda federaalka ee Soomaaliya uu dhawaan saxiixi doonaa sharciga shidaalka, kaas oo haatan horyaala aqalka sare ee dalka.

Shidaalka Soomaaliya ayaa waxaa tartan ugu jira shirkado badan oo qaarkood heshiis lala galay, waxa ayna dowlada lacago badan ka heleysaa heshiiska shirkadahaasi lagu siinayo in ay baaraan goobaha shidaalka lagu tuhmayo in ay ku jiraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -