Dowlada Federaalka Soomaaliya oo goordhaw soo saartay Digniin cusub (Akhriso)

Wasaarada Gargaarka Xukuumada federaaklka Soomaaliya ayaa soo saartay digniin ku aadan in ay dhici karaan fatahaadyo hor leh ay sameeyaan Wabiyada Jubba iyo Shabeelle , xili wali taagan tahay saameynta fatahaaduadii hore.

Digniinta ay soo saartay Wasaarada ayey ku sheegtay in macquul tahay in maanta iyo beri ay da’aan roobab xoogan ay sababaan in fatahaadyo iyo daadad ka dhashaan, waxa ayna Wasaarada digniin kasoo saartay un qatar ka dhalan karto fatahaadyada.

Goobaha ay ka digtay in daadadka iyo fatahaadyada wabiyada ay dhibaato u geesan karaan waxaa kamid ah magaalooyinka Baladweyne ,Jowhar, Baardheere, Doolow, waxa ay sidoo kale Wasaarada sheegtay in daadaka roobka iyana dhibaato ka geesan karaan Baay iyo Bakool.

Halkan ka Akhriso Digniinta ay Dowlada kasoo saartay Fatahaadyada iyo daadadka

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -