Mid kamid ah Wadamada Caalamka oo Mamnuucay in Haweenka lagu furo 3 Dalaaqo

Baarlamaanka dalka Hindiya ayaa dood dheer ay yeesheen kadib ansixiyay amar lagu mamnuucayo in haweenka dalkaasi, gaar ahaan kuwa Muslimiinta ah hal mar lagu furo sadex dalaaqo.

Wasiirka sharciga ee Hindiya, Ravi Shankar Prasad ayaa sheegay in Baarlamaanka ansixiyeen in Haweenka Hindiya aan lagu furi karin sadex dalaaqo, waxa uuna sheegay in sharcigan la ansixiyay uu ka hortagayo furiinka deg dega ah.

Waxa uu sheegay Wasiirka in meel marinta Baarlamaanka sharcigan ay timid kadib markii uu dhaqan gali waayay mamnuuciddii ay maxkamadda sare mamnuucday in ragga muslimiinta aysan haweenkooda ku furi Karin sadex dalaaqo.

Sharcigan cusub ee diidaya in haweenka lagu furo sadex dalaaqo ayaa hirgaliniisa mudo hor yaalay Baarlamaanka, waxaana qofkii sharcigan ku xadgudba uu muteesanayaa sadex sano oo xabsi ah.

Dalka Hindiya waxaa kunool 155 milyan qof oo Muslimiin ah, waxaana dadka muslimiina ah arrimaha la xiriira guurka iyo furriinka  xukuma sharciga shakhsiga ah ee qofka Muslimka ah.

Wadamada Pakistan iyo Bangaladhesh ayaa la sheegay in horey u mamnuuceen in haweenka lagu furo sadex dalaaqo, waxaana furiinka deg dega ah ee kordhay sabab looga dhigay baraha bulshada oo haweenka loogu diro qoraal furiin ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -