Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Wabiyada oo ka Warbixiyay waxii u qabsoomay

Kulan ay isugu yimaadeen Guddiga Gurmadka Fatahadaha ee Culimada iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa maanta ka dhacay magalada muqdisho.

Kulankan ayaa waxa looga hadlayay xaaladaha ka dhashay fatahada wabiyada Jubba iyo Shabeelle, kuwaasi oo ay ku barakaceen in ka badan 60,000 oo qoys. Inkastoo ay haatan ugu daran tahay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Sheek Aadan Sheekh Cali Diiriye oo ah afahayeenka guddiga gurmadka culimada iyo ganacsatada Somaaliyeed ayaa ka war bixiyay waxyaabihii u qobsoomay inta ay ku jireen gurmadka loo fidinayey dadka ay sameyeen fatahadaha wabiyada Jubba iyo Shabeelle.

“Waxaa la yaboohay oo illaa iyo hadda Guddiga gacantooda soo gashay lacag dhan $955,742 Dollar, iyadoona la rajaynayo in lacago kale ay gacanteenna soo galaan” ayuu yiri Sheekh Aadan Cali.

Sheikh Bashiir Cumar Salaad oo ka mid ah guddiga howshaan gacanta ku haya ayaa sheegay in loo baahan yahay in la gar gaaro dadka Soomaaliyeed ee fatahaaduhu barakicyeen sanadkan, isagoona intaas ku daray in ummadda Soomaaliyeed ay tahay dad jecel in mar waliba ay isu gurmadaan.

Tan iyo markii ay soo fataheen wabiyada shabeelle iyo Jubba ayaa waxaa soo badanayey gurmadka ka imaanaya dadka Soomaaliyeed iyo sidoo kale dowladaha gacan saarka la leh Soomaaliya, sida Jabuuti iyo Qadar, kuwaas oo dhowaan diyaarado gurmad ah u soo diray shacabkii ka barakacay guryahooda. Kuwaas oo haatan deegaansanaya meel ka baxsan guryahoodi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -