Dil loo geysatay Xildhibaan Baarlamaan & dabley ka dambeysay oo la baadi goobayo

Xukuumada Burkina Faso ayaa ciidamadii ugu badnaa geysay gobolka Saaxil oo koox hubeysan ay ku dileen xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka dalkaas.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay in ciidamadu bilaabeen baaritaanka cidda ka dambeysay dilka xildhibaanka oo ka dhacay wadada xiriirisa magaalada laga soo doorto Dijobo iyo caasimada dalkaas ee Ougadogu

Ciidamada ayaa baaraya gaadiidka wadada maraya waxayna ay su’aalo weydiinayaan dadka degan magaalada weerarku ka dhacay.

Xildhibaanka la dilay oo lagu magacaabi jiray Cumaru Diko ayaa u socday caasimada dalkaas waxaana goob joogayaal ay sheegeen in kooxdii dilka geysatay ay baxsatay markii ay xildhibaanka toogteen.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka xildhibaanka baarlamaanka Burkina Faso lagu dilay oo ah kii ugu horeeyay ee dalkaas ka dhaca mujdooyinkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -