Allbanaadir.com
NEWS

Xubnaha Golaha Aqalka sare oo ansixiyey sharci muddo badan la sugayey (Sawirro)

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaaka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Senator Cabdullaahi Cali Xersi {Timacadde, ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga afaraad kulankiis 7-aad oo ajandihiisu ahaa:

1-Akhrinta Saddexaad ee Hindise Sharciyeedka Hawlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowalda.

Ugu horrayn, Guddoomiyaha Guddiga arrimaha Bulshada Aqalka Sare Senator Cismaan Maxamuud Maxamed (Dufle) ayaa Sanatarrada la wadaagay xogta akhrinta saddexaad ee sharciga, waxaana la guda galay ansixinta sharciga, ka dibna waxaa loo qaaday sharciga codka kalsooni siinta, iyadoo codka kalsoonida siiyay 28 Sanatar, waxaa diiday labo Sanatar senator wax ka aamusana ma jirin.

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Ku-simaha Wasiirka, Mudane Yusuf Maxamed Aadan, ayaa Sanatarrada Aqalka Sare uga mahad celiyay waajib ka gudshada iyo meel-marinta sharciga Hawlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowalda kaas oo xaqiijinaya xaquuqda shaqaalaha hawl-gabka ah ee muddada badan u soo adeegayay Qaranka Soomaaliyeed.

Related posts

Jidadka Muhiimka ah ee Muqdisho intooda badan oo saaka xiran & amniga oo la xoojiyey

Caydiid Ali

Qoyska nin Kenyan ah oo lagu dilay Boosaaso oo dalbaday Caawinaad iyo Cadaalad (Sawirro)

Cabdi Cade

RW Ku-xigeenka dalka oo Muqdisho ka furay Shirweyne Muhiim ah (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---