Al-Shabaab oo soo bandhigtay Amiirkooda & kooxdii weerartay Bali-doogle (Sawirro)

Xarakada Al-Shabaab ayaa soo saartay Muuqaal la daawan karo in ka badan 50 daqiiqo kaasoo ku saabsan munaasabad sagootin ah oo loo sameeyey raggii weeraray xerada ciidamada Mareykanka ee Bali doogle dabayaaqadii bishii Sept ee la soo dhaafay.

Muuqaalka waxaa ku lifaaqan hadal uu jeedinayo amiirka Xarakada Al-Shabaab Sheekh Axmad Cumar Abuu Cubeyda kaasoo fariimo adag u diraya shacabka Mareykanka isla markaana ku goodinaya inay guran doonaan miraha qaraar ee duullaankooda.

“Waxaan rabaa inaan halkan fariin uga diro shacabka Mareykanka ee canshuurta ku bixiya gumaadka Ummadeena la dagaalanka diinteena, boobka kheyraadkeena iyo taageerida waxa loogu yeero dowladda Federalka Shacabka Mareykanka waxaan leeyahay: ma isweydiiseen howlgallada uu ciidankiinu ka wado Soomaaliya, marna mala xisaabtanteen xukuumadiina oo ma weydiiseen waxa lagu qabto canshuurta leydinka aruuriyo iyo halka ay ku baxdo, ma isweydiiseen waxa ay AFRICOM ku heyso caruurteena” ayuu yiri Sheekh Abuu Cubeyda.

Sheekh Axmad Cumar Abuu Cubeyda, Amiirka Xarakada Al-Shabaab ayaa sidoo kale soo hadal qaaday taageerada joogtada ah ee uu Mareykanku siiyo dowlada uu hogaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Madaxdiinu waa kuwa dhidibada u taagay dowlad ku sheeg hamigeedu yahay raaligelinta gaalada, fulinta qawaaniintooda kufriga iyo u hogaansanka shuruucdooda. Hogaanka dowlad ku sheega Federalka ayaa ku faana, fagaarahana la taagan inaysan marnaba shareecada Islaamka ku dhaqmin, dawarsiga shisheeyahana ka doorbidaan ku dhaqanka diinteena suuban” ayuu yiri.

Filimka waxaa ka soo muuqanaya amiirka Xarakada Al-Shabaab Sheekh Axmad Cumar Abuu Cubeyda oo wejigiisa la qariyey. lana arkayo gacmaha iyo qeyb yar oo ka mid ah jirkiisa, wuxuuna hadalo dardaaran iyo sagootin ah u jeedinaya dagaalyahandii fuliyey weerarkii saldhigga Bali-doogle.

Weerarka Bali-doogle oo u muuqday mid Al-shabaab ay qorsheynayeen muddo dheer ayaa noqon waayey sidii ay filayeen, waxaana lagu dilay dhamaan Dagaalyahanadii fuliyey, lamana sheegin wax khasaare ah oo soo gaaray ciidamada Maraykanka ee degan xeradaas oo ujeedada weerarkan uu iyaga ahaa..

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -