Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dowlada Mareykanka oo shaaca ka qaaday in ay ka baxday heshiiska Nuclear-ka ee INF

Dowladda Mareykanka ayaa maanta ku dhowaaqday inay ka baxeyso heshiiska tobanaanka sano jira ee xakameynta hubka Nuclear-ka ee ay kula jirtay Ruushka.

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka, Mike Pompeo ayaa maanta sheegay in laga bilaabayo labada Febraayo, Washington ay hakin doonto u hogaansaminta heshiiska xakameynta hubka nuclear-ka ee riddada dhexe, loona yaqaan INF.

Mareykanka ayaa ku eedeeyey Ruushka inay ku xadgudbeen qodobada heshiiskan oo soo jiray tan iyo dagaalkii qaboobaa. Ruushka waa ay beeniyeen eedeymaha Mareykanka.

Heshiiskan ayaa ahaa kii ugu horreeyey dunida ee xakameynta hubka, wuxuuna mamnuucayaa qeyb ka mid ah hubka nuclear-ka oo ah midka gaara ilaa 5,500 oo km.

Pompeo ayaa weriyayaasha ugu sheegay xarunta wasaaradda arrimaha dibedda, in Mareykanka uu si rasmi ah ogeysiiskan ugu gudbin doono Ruushka lix bilood kadib, haddii aysan dib ugu soo laaban u hogaansaminta qodobada heshiiska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Al-Shabaab oo shaacisay Magaca Sarkaal ku dhintay qarax saaka ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali

Kumanaan Qaxooti ka cararaya dirirta ka socota Itoobya oo ku qulqulaya..

Caydiid Ali

(Sawirro) Maxay tahay xarunta casriga ah ee uu xariga ka jaray RW Ku-Xigeenka?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---