Qarax Khasaaro kala duwan dhaliyay oo galabta ka dhacay garoonka Ciyaaraha degmada Baraawe

Wararka ka imaanaya degmada Baraawe ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in ugu yaraan afar dhalinyaro ah ay ku dhinteen dhowr kalena ay ku dhaawacmeen qarax galabta halkaasi ka dhacay.

Qaraxa ayaa haleelay dhalinyaro kubad ku cayaareysay meel garoon ah, sida ay sheegeen qaar ka mid ah masuuliyiinta gobolka iyo kuwa degmada. Cayaarta ayaa aheyd Semi-Finalka cayaaro degamada ka socday oo ay isku arkayeen kooxo lagu kala magacaabo Elman iyo SYL.

Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Shabeellaha Hoose C/fataax Xaaji Cabdulle ayaa sheegay qaraxan inay ku dhinteen afar qof, sidoo kalena ay dhaawacmeen dad ku dhaw 10 kale, kuwaasoo la dhigay Isbitaalada Magaalada.

Wuxuu sheegay Qaraxan inay ka dambeeyaan ururka Al-Shabaab, isaga oo intaa raaciyay in Hay’adaha ammaanka ay ku daba jiraan raggii falkan ka dambeeyay, ayna rajeynayaan inay gacanta ku soo dhigaan.

Dadka qaraxa ku waxyeeloobay ayaa waxa ay u badan yihiin Dhalinyaro xilligaasi daawaneysay ciyaar kubada cagta ah, iyada oo Waalidiintooda ay aad uga walwalsan yihiin caruurtooda ay waxyeelada soo gaartay.

Xaalad kacsanaan ah ayaa caawa laga dareemayaa degmada Baraawe, waxaana magaalada hareeyey hadal heynta ku saabsan qarax lagu hoobtay ee galabta ka dhacay halkaas, iyadoo ciidamada amaanku ay bilaabeen baaritaano ku saabsan cidii ka dambeysay qaraxan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -