Haweeney Mudo 10-sano ah Meydka Hooyadeed guri ku heesatay iyo hal sabab oo keentay

Ciidamada booliiska dalka Japan ayaa xabsiga dhigay haweeney la sheegay in mudo 10-sano ah meydka hooyadeed ku heesatay guri ay degneyd, waxaana warkan hadal heyn badan ka dhaliyay gudaha dalkaasi.

Yumi Yoshino oo 48 jir ah ayaa booliiska u sheegtay in meydka hooyadeed ku keydisay filinjeer guriga u dhax yaalay, waxa ayna sheegtay in sababta meydka u keydisay in uu ahaa in xiligaasi aysan dooneyn in ay ka guurto guriga ay degneed.

Qof nadiifiye ah oo shaqo ka qabanayay guriga haweeneydan ayaa la sheegay in meydka guriga ku arkay kadibna booliiska ku wargaliyay, waxaana haweeneydan la sheegay in  meydka hooyadeed ay kala jabisay si filinjeerka u deeqsiiso.

Booliiska oo soo xiray Yumi ayaa bilaabay baaritaano ku aadan arintan, lamana oga wali sida ay u geeriyootay haweeneydan meydkeeda mudo 10-sano ah filinjeerka ku dhax jiray iyada oon laga war heyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -