Maxkamada Ciidamada oo Xukun dil ah ku riday C/Raxmaan Cumar Yariisow

Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun dil ah ku riday askari katirsanaa ciidanka dowlada Soomaaliya oo lagu helay in uu dil ka geestay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Waxaa lasoo gabo gabeeyay 07/08/2018 Maxkamadeynta Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow)  oo loo heysto dilka AUN  Marxuum Xasan Abshir Warsame oo ka dhacay magaalada  Beladweyn 07/02/2018.

Askarigan xukunka dilka ah lagu riday ayaa markii uu dilka ka geestay magaalada Baladweyne waxa uu usoo baxsaday magaalada Muqdisho, waxaana ninkan qabtay ciidanka booliiska gobolka Banaadir.

Cabdiraxmaan Yariisow ayaa 07/07/2018 la sheegay in uu isku dayay in u iska diiwaan  geliyo dugsiga tababarka Boliiska ee Jeneraal Kaahiye xilligaasi uu ku dadaalayay badalka magiciisa iyo ku biiristiisa, hasa ahaatee ciidamada boliiska oo haayay xogta Yariisow ayaa gacanta ku soo dhigay iyagoo ku wareejiyay xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida.

Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa ka tirsanaa Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan  qeybta 27-aad  ee ka howlgasha deeganada maamulka Hirshabelle gaar ahaan magaalada Baladweyne.

Gaashaanle Dhexe Xasan Cabdiraxmaan Aadan Wabiyow oo kamid ah  Garsoorayasha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa u sheegay Garsoor in Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow)  go’aankiisa loo tiiriyay Qiraalkiisa oo ahaa in ay kaga fakatay xabad Marxuumka , Markaatiyaal goob joog u ahaa dilka weliba cadeeyay in uusan wax gar-gaar ah u fidin kadib dilka balse uu baxsaday iyo doodii qareenada ee aheyd in loo naxariisto loona fududeeyo ciqaabta maadaama uu qirsan-yahay, waxa ayna Garsoorayaasha gaareen in Ex Dable Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow uu yahay dambiile galay dambiga lagu soo oogay, Sidaasna loogu xukumay dil toogasha ah

Garsooraha Maxkamada Darajada koobaad ee Ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow)  uu heysto fursad kale uu ku dalban karo rafcaan hadii uusan ku qancin Xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -