Duuliye Asli Xasan Cabaade oo ciidanka XDS ugu hambalyeysay Maalinta 12-ka Apriil

Duuliye Asli Xasan Cabaade (Calansida) oo ah haweeneydii ugu horeysay taariikhda Somalia ee duulisa dayuurad, kana mid ahaan jirtay ciidankii cirka Soomaaliyed ayaa hambalyo u dirtay ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed taasoo ku aadan maalinta 12-ka Apriil oo beegan sanadguuradii 58aad ee ka soo wareegtay aasaaska ciidankaas.

“Anigoo ku hadlaya magacayga  waxaan hambalyo u dirayaa Saraakiisha, Saraakiil-Xigeennada, Aliflayda, Dableyda iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo qoysaskooda oo maanta u dabaaldegaya sannad guuradii 58-aad ee ka soo wareegtay markii la asaasay” ayey tiri Duuliye Asli Calansida oo ku nool gobolka Texas ee waddanka Maraykanka.

Duuliye Asli ayaa si kooban uga warantay taariikhda iyo marxladaha uu soo maray ciidanka xoogga dalka iyadoo sheegtay in ciidanku uu ka mid ahaa kuwo kuwa ugu awooda badan Afrika, lagana tusaale qaadan jiray, waxayna intaa ku dartay in ciidanka xoogga dalka uu kaalin mug leh ka soo qaatay difaaca dalka, diinta, dadka iyo calanka Soomaaliyeed taasoo ay sheegtay iney naftooda u hureen.

“Waxaa ayaan daro ah oo aanan marnaba illaawi kareynin, burburkii Waddankeenna ka dhacay oo uu cadaw sabab u ahaa, Waxaanse ku baaqayaa in lays daba qabto oo la baraarugo, hurdadana laga tooso oo lagu dhaqaaqo sidii loo bad-baadin lahaa Waddankeena, qorshaha cadawgu wuxuu yahay, kala qaybiyoo xukun, Waxaase lagaga kaban karaa in lala yimaaddo towbad dhab ah, midnimo, is aamin, isku kalsoonaan, wada shaqayn iyo Ilaahay Talada la wada saarto” ayey intaa ku dartay.

Duuliye Asli Xasan Cabaade ayaa sheegtay in ciidanka xoogga dalka uu hadda ku jiro, marxalad dib u dhis ah oo meel fiican maraysa, waxayna ugu baaqday dowlad iyo shacaba in loo istaago sidii loo soo celin lahaa sharaftii iyo karaamadii uu lahaa ciidanka.

“Waajibaadka Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya, waa inuu difaaco salka Soomaliyeed, kana difaaco dhinacyada Cirka, Dhulka iyo Badda, gacan bir ahna ku qabto Cadow kasta oo isku daya inuu ku soo xadgubo Gayiga Soomaaliya balse hadii ciidanka aan loo xoojinin si dhameystiran uma gudan karo waajibaadkiisa” ayey intaa ku dartay.

Ugu dambeyn duuliye Asli Xasan Cabaade waxay ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed u rajeysay iney sanadkan kiisa kale ku gaaraan, horumar, nabad iyo barwaaqo, iyadoo hadalkeeda ku soo xirtay tix gabay oo ay ugu talo gashay ciidanka xoogga dalka.

Xooggii Ciidanka Dalka

Xay-yul Qay-yuumkaan ugu xamdinnaye

Waa Xooggii Afrika, lagu xuuxin jiraye

Waa Xooggii Cadawgeenna, xanuujin jiraye

Waa Xooggii Shacabka, xal u ahaaye

Xaasidnimo kuwii lagu yiqiin, xumaan iyo xadgudubba

Xabbad bey la dhici jireen, qadhmuunka xinjirahoodiiye

Xabaalihii baa ku batay, kolkii lagu xareynaayay

Xagga iyo xagga kale, markii lagaga soo xoomay

Xoog bey ku qabteen, Ciidankii xaq u dirirka ahaaye

Xoogii Dalkaa heloo, way xaskuliyeene.

Duuliye Asli Xasan Cabaade ayaa 9kii bishii September ee sanadkii 1976 waxay noqotay Gabadhii Soomaaliyeed ee ugu horreysay ee noqotay Duuliye, ka dib markii ay kaligeed hawada la gashay dayuurad dagaal, iyadoo taariikhda ciidanka cirka Soomaaliyeed oo ka mid ah kuwa xoogga dalka baal dahab ah ka gashay.

aslicalansida@hotmail.com ama
aslicalansida@yahoo.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -