Allbanaadir.com
NEWS

Cabdi Maxamuud oo dalbaday in xuriyadiisa loo soo celiyo kana hadlay dambiyada loo…

Maxkamad ku taal magaalada Addis ababa ee caasimada dalka Itoobiya ayaa mar kale waxaa lasoo taagay Madaxweynihii hore ee Ismaamulka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar oo loo heesto dambiyo kala duwan.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maxkamada horteeda ka sheegay in uusan wax dambi ah galin intii uu xilka hayay, waxa uuna tilmaamay in si wanaagsan u maamulayay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Waxa uu ka dalbaday garsoorayaasha Maxkamada in la sii daayo loona soo celiyo xuriyadiisa maadaama uusan wax dambi ah gelin, waxa uuna meesha ka saaray eedeymaha iyo dambiyada lagu soo eedeeyay.

Madaxweynihii hore ee Ismaamulka Soomaalida oo ku xiran xabsi kuyaala magaalada Adis Ababa ayaa marar badan laoo taagay Maxkamad, walina garsoorayaasha kiiskiisa gacanta ku haya go’aan kama gaarin kiiskiisa oo mudo soo jiitamayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Turkiga oo kordhiyey xannibaadda uu saaray diyaaradaha Ruushka ee isticmaala hawadeeda

Cabdi Cade

Banaan bax ka dhan ah Farmaajo goordhaw ka dhacay Xaafado katirsan Muqdisho

Cabdi Cade

Madaxweyne Puntin oo hadiyad yaab leh gudoonsiiyey Boqorka Sacuudiga (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---