Muuqaal laga qaaday Weerarkii lagu dilay Hogaamiyaha Daacish oo la baahiyay (Daawo Sawirada)

Wasaarada Difaaca Mareykanka ayaa shaacisay muuqaalkii ugu horeeyay ee laga qaaday howlgalkii lagu dilay dhawaan Hogaamiyihii kooxda Khilaafada Islaamka Daacish ee Abuubakar Al Bagdaadi.

Muuqaalka ayaa muujinaya ciidamada Mareykanka oo weerar gaadmo ah ku qaadaya guri uu degnaa Hogaamiyaha Daacish, waxa ayna ciidamada iska hor imaad kala kulmeen ciidamo ilaalo ka ahaa guriga Hogaamiyaha Daacish.

Ciidamada Mareykanka ayaa gudaha u galay dhismaha uu degnaa Hogaamiyaha kooxda Daacish, waxaana durba Abuubakar Al Bagdaadi la sheegay in uu ku cararay god dhulka hoostiisa ka qodnaa halkaas uu isku qarxiyay kuna dhintay.

Madaxa taliska dhexe ee ciidammada Mareykanka, Janaraal Kenneth McKenzie, ayaa sheegay in Abuubakar Al Bagdaadi iyo labo caruur ah ku dhinteen god hoostiisa kadib markii Hogaamiyaha Daacish uu is qarxiyay.

Howlgalka Mareykanka ka fuliyay gurigii uu ku sugnaa Hogaamiyaha Daacish ayaa sidoo kale lagu dilay xubno kale oo katirsanaa kooxda Daacish, halka kuwa kale iyaga oo nool halkaasi laga qabtay, waxaana la bur buriyay gurigii uu kunoolaa Al Bagdaadi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -