Saraakiil ka tirsan Maxkamadda dambiyada ee ICC oo cuno qabateyn la saaray (Sababta)

Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogay saraakiil sare oo ka tirsan maxkamadda dambiyada dagaalka caalamiga ah ee ICC.

Dadka la cunaqabateeyey waxaa ku jirta dacwad oogaha guud ee maxkamaddaas, Fatou Bensouda.

Xoghaya Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Mike Pompeo, ayaa maxkamadda ku eedeeyay inay si sharci darro ah isugu dayeyso inay u maxkamadeyso muwaadiniin Mareykan ah.

Arrintan ayaa ku soo beegantay xili Maxkamada ICC, oo uu fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Netherlands ay baaritaan ku bilowday arrimo la xiriira in ciidamada Mareykanka ay dambiyo dagaal ka geysteen gudaha dalka Afghanistan.

Maraykanka ayaa maxkamaddan dhaliilayay in tan iyo markii la aasaasay ay, wuxuuna ka mid yahay dhowr iyo toban dal oo aan saxiixin heshiiskii caalamiga ahaa ee lagu hirgaliyay maxkamaddan oo Qaramada Midoobay ay abuurtay sanadkii 2002-dii, waxaana tan iyo markaas ay caddaaladda horgeysay dad badan oo mas’uul ka ahaa xasuuqyo, tacaddiyo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -