Allbanaadir.com
NEWS

Raisul Wasaare Khayre oo caawa hoygiisa ku booqday guddoomiye Jawaari (Daawo Sawirro)

Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Caawa hoygiisa ku booqday guddoomiyaha xilka iska casilay ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

Labada masuul ayaa kala irdhoobay xiisadii dhamaatay ee ka dhex jirtay baarlamanka Somalia ka dib markii gudoomiye Jawaari uu ku eedeeyey xukuumada iney gadaal ka riixeysay mooshin isaga laga keenay oo ugu dambeyn sababay inuu xilka iska casilo.

Booqashada Ra’isal Wasaare Kheyre ayaa la sheegay inay ahayd is cafin iyo mahad celin ku aadan tanaasulka uu Gudoomiye jawaari ka muujiyey khilaafkii ka jiray baarlamanka, waxaana labada mas’uul ka muuqday dhoola caddeyn.

Guddoomiye Jawaari ayaa lagu wadaa inuu Baarlamaanka Soomaaliya u jeediyo khudbad uu si rasmi ah isku casilayo, iyadoo ka dib Baarlamanku uu guda geli doono todobaadyada soo socda qaabkii loo soo dooran lahaa afhayeen cusub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamo kala dhexgalay dagaal ka socday degaano ka tirsan gobolka Galgaduud

Caydiid Ali

Ciidamada Ruushka oo galay Kharkiv iyo dagaal culus oo ka socda (Sawirro)

Caydiid Ali

Gabdho kamid noqday Haramcad oo tababar loo soo xiray iyo Saraakiil darajooyin loo xiray (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---