Gabdho kamid noqday Haramcad oo tababar loo soo xiray iyo Saraakiil darajooyin loo xiray (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Tababar u Soo Xiray gabdho ka tirsan ciidanka Haramcad ee booliska Soomaaliyeed, isla markaana derajooyin loogu xirayay saraakiil tababar layli sarkaal ku soo qaatay dalka Masar.
 
Rooble oo hadal ka jeediyay munaasabada tababarka lagu soo xiray ayaa hambalyo u diray gabdhaha Soomaaliyeed ee kamid noqday ciidamada booliiska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad iyo saraakiisha kale ee leyliga sargaalnimo soo qaatay.
 
” Waxaan hambalyeynayaa gabdhaha ka tirsan Ciidanka Haramcad ee Booliska Soomaaliyeed ee tababarku u soo dhammaaday iyo saraakiisha tababarka layli sarkaal ku soo qaatay dalka Masar, Boolisku waa udub dhexaadka Ciidammada Qalabka sida, waana cudud fulinta sharciga, sugidda amniga iyo dhowrista nidaamka dowladnimada ku leh kaalinta ugu weyn.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.
 
Munaasabadan maanta tababarka loogu soo xiray gabdhaha ku biiray ciidanka booliiska gaar ahaan kuwa Haramcad ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin kala duwan iyo saraakiil ay ku jiraan Wasiirka Amniga iyo taliyaha ciidanka booliiska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -