Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Wararkii ugu dambeeyey xiisada Dhuusamareeb & Taliska Booliska oo ka hadlay

Taliska Booliska degmada Dhuusamareeb ayaa faahfaahin ka bixiyay rasaas xalay la sheegay in lagu riday guriga uu degan yahay madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Sheekir Cali Xassan.

Taliyaha Booliska degmada Dhuusa-Mareeb Cabdullaahi Xassan Macalin ayaa sheegay in wax sidaa u sii weyn aysan aheyn rasaasta la sheegay ka dhacday degmada, islamarkaana xaaladu degan tahay.

Waxaa uu meesha ka saaray wararka sheegaya in ciidamo gaar ah ay la wareegeen xarumaha degmada Dhuusamareeb, isaga oo intaa ku daray in nabad-galyada ay u xil saaran yihiin oo kaliya hay’addaha Amaanka, sidaa daraadeed aysan jirin cid kale oo xarumo la wareegi karta.

Xiisad u dhaxeysay xoogag ka amar qaata madaxa Xukuumadda Galmudug yio ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay ka taagneyd magaalada dhuusamareeb, iyadoo magaalada ay ka dhacayaan kulamo iska soo horjeeda oo dhamaantood looga hadlayo dhismaha Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Cusmaan Sh. Cali Buraale oo qarax miino lagu dilay iyo Al-Shabaab oo sheegatay

Caydiid Ali

Weeraro lala beegsaday goob hubka lagu keydiyo oo ku taalla Sacuudiga

Caydiid Ali

Halis gaar ah oo soo wajahday kumanaan haween ah oo ku nool Magaalada Gaza

Caydiid Ali
Taboola Ads ---