Dowlada federaalka oo dhaqaalihii ugu horeeyey ka heshay shidaalka Somalia

Dowladda federaalka ee Soomaaliya oo sanadihii dambe ku hawlaneyd sidii looga faaideysan lahaa kheyraadka dalka ayaa markii ugu horeysay dhaqaale ka soo xerooday kirada xirmooyinka shidaalka.

Wasiir ku-xigeenka Batroolka iyo macdanta ee dowladda federaalka ee Soomaaliya, Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal ayaa xaqiijiyey in wasaaradiisu heshay dhaqaalihii ugu horeeyey ee ka soo xerooday shidaalka Somalia.

“Kadib dadaalo badan oo ay maxdaxda wasaaradda batroolka iyo macdanta ee fowladda federaalka ee Soomaaliya ka samayeen dib u soo celinta xiriirka shirkadaha ku leh xirmooyin shidaal iyo kuwo kale oo maal gashi cusub ka samaysta Soomaaliya ayaa waxaa lagu guulaystay in lagu qanciyo shirkadahaas lagu leeyahay kirada xirmooyinka ay haystaan” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Batroolka.

Waxaa uu inta raaciyay in heshiis ku saabsanaa bixinta kirada xirmooyin Shidaal oo ay galeen wasaaradda batroolka iyo macdanta iyo Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil bishii Juun ee Sanadkan, shirkadahaasna ay dowladda federaalka u shubeen lacag dhan 1.7 milyan oo doolar.

Waxaa kale oo uu wasiir ku xigeenka sheegay in lacagtaas ay tahay qeybtii u horeeysay ee ah kirada shirkadahaas lagu lahaa soddonkii sano ee la soo dhaafay.

Wasiir ku xigeenka ayaa sidoo kale ka hadlay qaabka lacagahaas ay u qeybsan doonaan dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada, maadaama ay horay ugu heshiiyeen qeybsiga kheyraadka dalka ee heshiiskii Baydhabo.

“Maamulka Lacagtan ayaa ku salaysnaan doona heshiiskii kheyraad wadaaaga ee ay kala saxiixdeen Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada” ayuu shaaciyay wasiir Ku xigeenka batroolka iyo macdanta ee Dowladda Federaalka, Maxamud Cabdiqaadir Hilaal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -