Madaxweyne Trump oo jeediyey hadal dad badan ku abuuray yaab iyo fajac

Madaxweynaha Donald Trump ayaa meel fagaare ah ka sheegay in Xukuumadiisa ay derbi ka dhiseyso gobolka Colorado oo ku yaala bartamaha dalka Mareykanka, arintaasoo dad badan ka yaabisay.

Trump ayaa mar uu ka hadlayay ammaanka xuduudaha Mareykanka hadalkan maalin kahor ka sheegay shir uu kaga qeybgalay Magaalada Pittsburgh.

Arrintan ayaa ka yaabisay dad badan oo fahmi waayay waxa uu ula jeedo Madaxweynaha, maadaama gobolka Colorado uu ku yaalo bartamaha Mareykanka, oo uusan ku oolin meel xuduud ah, waxaana ay keentay jahwareer ku saabsan hadalka Trump.

“Ma ka warqabtaan in aan u socono Mexica-da cusub? waxaan derbi ka dhisayaa Colorado, sababtoo ah waxay rabaan in xadkooda uu ammaan noqod oo aysan iminka heysanin”, ayuu yiri Trump.

“Waxaan dhiseynaa derbi qurux badan oo shaqeeya, cidnana aysan ka soo dusi karin kor iyo hoosba, waxaa kale oo aan derbi ka dhsieynaa Texas”. ayuu Madaxweyne Trump intaa ku daray.

Hadalka Trump ayaa hadal heyn ka dhaliyay baraha bulshada, oo waxay dadka qaar moodeen in Madaxweynaha uu markale doonayo in uu darbi ka dhiso gudaha dalka Maraykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -