Ahmed Rufai oo booqasho qarsoodi ah ku jooga Muqdisho & taliyaha NISA oo qaabilay

Taliyaha Sirdoonka Nigeria Ahmed Rufai ayaa maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho, waxaana soo dhoweeyey dhigiisa Soomaaliya Fahad Yaasiin oo ku qaabilay xarunta dhexe NISA

Taliyaha Sirdoonka Nigeria oo ay la socdaan saraakiil ayaa ayaa xaflad casho sharaf ah loogu sameeyay Xarunta ugu weyn NISA oo ku taalla degmada Shibis dhabarka dambe ee dhismaha Habar Khadiijo

Qaar ka mid ah taliyeyaasha sirdoonka dalalka carabta iyo afrika ayaa dhowaan siyaabo kala gooni ah booqashi ugu yimid Muqdisho, waxaana ka mid ahaa Taliyaha Sirdoonka Angola, Jabuuti, Qatar, Sudan iyo qaar kale oo safarkoodu ahaa qarsoodi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in taliyeyaasha sirdoonada Somalia iyo Nigeria ay ka wada hadleen sidii ay iskaashi uga yeelan lahaayeen la dagaalanka argagixisada, una wadaagi lahaayeen xogaha iyo khibradaha, iyadoo labada dowladood ay dagaal kula jiraan Al-shabaab iyo Boko Haram oo ah labo kooxood oo caalamka looga aqoonsan yahay argagaxiso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -