Fiqi iyo Jibriil oo Doha kaga qeyb galaya shir ay Soomaaliya ku soo bandhigtay..

Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somalia Amb. Axmed Macalim Fiqi iyo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa magaalada Doha ee wadanka Qatar kaga qeybgalay meertada saddexaad ee Shirka Madasha Iskaashiga iyo Dhaqaalaha Wadamada Carabta, wadamada Aasiyada Dhaxe, iyo wadanka Azerbaijan oo loogga hadlaayey xoojinta iskaashiga dhaqaale ee wadamada Carabta.

Wasiir Fiqi oo halkaas ka jeediyey khubad dhibacyo badan taabanaysa, ayaa wuxu halkaas kaga hadlay guulaha laga gaaray dagaalka lagu la jiro cirib-tiridda al shabaab,

Sidoo kale Fiqi ayaa soo bandhigay damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya oo ah xad gudub ay dawladda Itoobiya ku samaynayso jiritaanka dhuleed iyo dal ee Soomaaliya, iyo weliba sidoo kale arrinta qadiyada Falastiin oo uu ugu baaqay in laga yeesho cod midaysan.

Waxa kale oo uu ugu dambayn boggaadiyey qabsoomidda shirkan oo uu tilmaamay inuu yahay mid dhabaha u xaaraya siddii kor looggu qaadi lahaa xoojinta ganacsiga ee wadamada, iskaashiga dhaqaalaha, iyo wadaagista fursadaha maalgashi ee dhinacyada si wax loogga qabto shaqo yaraanta.

- Advertisement -