Sacuudiga oo Abaal marino qaali ah gudoonsiisay aktaro caan ah (Daawo Sawirro)

Munaasabad balaaran oo ka dhacday magaalada Jiddah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa abaal marino kala duwan oo qaali ah waxaa lagu gudoonsiiyay qaar kamid ah aktarada dunida ugu caansan.

Abaal marinta Joy Awards ay bixiso Boqortooyada Sacuudiga ayaa la siiyay aktaro caan ka ah aflaanta Bollywoodka, Hollywoodka oo ay kamid yihiin Shahruh Khan,  Jackie Chan iyo Van damme.

Sacuudiga ayaa sababta ay aktaradan caanka ah abaal marinta u siiyeen ku sheegtay  in ay yihiin shakhsiyaad inta badan madadaaliya dadka caalamka, dadkuna ay ka helaan aflaanta caanka ah ee ay ku baahiyaan dunida daafaheeda.

”Abaalmarinta Joy Premium award waa abaalmarin aad looga shaqeeyay oo bixinteeda lagu saleeyo aragtida dadweynaha, sidoo kalena la siiyo dadka faafiya farxadda iyo damaashaadka dunida, gaar ahaan dalkeena Sacuudiga” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay Hay’ada bixisay abaal marintan.

Aktarka Caanka ah ee Shahruh Khan oo munaasabada abaal marinta lagu gudoonsiinayay hadal ka jeediyay ayaa amaanay isbadalka Boqortooyada Sacuudiga , waxa uuna sheegay in uu ku faraxsan yahay in Sacuudiga yeelato shineemooyin iyo goobo madadaalo.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay dalkaasi ka hirgalineysay isbadalo waa weyn oo horey uga jirin, waxa ayna  ogolaatay in la furo goobo madadaalo iyo shineemooyin sidoo kale dalxiisayaasha caalamka loo fududeeyo in Sacuudiga tagaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -