Turkiga iyo Ruushka oo gaaray Heshiis Taariikhi ah oo ka dhan ah Kurdiyiinta

Dowladaha Turkiga iyo Ruushka ayaa heshiis lagu tilmaamay mid taariikhi ah gaaray, xili laga cabsi qabay in howlgalka milatariga Turkiga ka wadaan Waqooyiga Siiriya sababo in ay isku dhacaan labada ciidan.

Heshiiska labada wadan gaareen ayaa dhigaya in hal meel uga soo wada jeestaan kooxda Kurdiyiinta ee hada dagaalka kula jira milatariga Turkiga, waxaana labada dal ku heshiiyeen in Kurdiyiinta laga nadiifiyo xadka Turkiga la wadaago Siiriya.

Dowladaha Ruushka iyo Turkiga ayaa sidoo kale ku heshiiyay in ay si wadajir ah u sameeyaan howlgal amniga lagu sugayo sidoo kale magaalooyinka ay joogaan looga nadiifinayo kooxda Kurdiyiinta.

Ciidamada Turkig ayaa dagaal kula wareegay dhul gaaraya 120km oo u dhaxeysa magalooyiinka Ras al-Ceyn iyo Tal Abyad, waxa ayna Turkiga doonayaan dhulka laga saaro Kurdiyiinta in laga dhigo aag amaan ah oo la dejiyo qaxootiga Siiriya.

Dagaalyahanada Kurdiyiinta ayaan wali ka hadlin heshiiska ay gaareen dowladaha Turkiga iyo Ruushka, waxaana kooxdan hada u muuqataa mid xaalka uu kusii xumaanayo iyadoona laga saaray goobo muhiim ah ay horey u heesteen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -