Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo casuumay Musharaxiintii uu shalay ka guuleestay(Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo shalay dib-loogu doortay xilka Madaxweynaha Puntland 2024-2029, ayaa Qasriga Madaxtooyada kulan Qado Sharaf ah ugu sameeyay musharixiintii u tartamay xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland.

Siciid Deni ayaa si diiran qasriga madaxtooyada ugu soo dhaweeyay musharaxiintii uu kaga guuleestay xilka madaxweynaha, kuwaa ay ku jireen siyaasiyiin ay si weyn isku mucaaradsanaayeen.

Munaasabadda qado sharafta waxaa ka qeybgalay Madaxweyne ku-xigeenka cusub ee Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cusmaan Lugatoor iyo Guddoonka cusub ee Golaha Wakiillada Puntland.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa guul weyn ka gaaray doorashii madaxweynaha ee shalay ka dhacday Garawe, waxaana guul dareestay musharaxiin badan oo isku baheestay sidii ay meesha uga saari lahaayeen madaxweyne Deni.

Related posts

Daawo Sawirada :Kulankii dhax maray Gudoomiyaha golaha Shacabka iyo ku xigeenadiisa oo..

Cabdi Cade

Xiisada u dhaxeysa dowladaha Itoobiya iyo Masar & iyo Mowqifka cad ee Dowladda Soomaaliya !!

admin

Maxaa ka soo baxay Shirkii Golaha wasiirada Xukuumada Soomaaliya?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---