Maamulka gobolka Banaadir oo xiray xarun ku taalla Muqdisho, shaqsiyaad joogayna xir-xiray

Maamulka gobolka Banaadir ayaa xiray xarun la sheegay in lagu sameyn jiray Dokumintiyada been abuurka ah oo ku taalla nawaaxiga Isgoyska KM-4.

Waxaa sidoo kale xabsiga loo taxaabay shaqsiyaad ka shaqeynayay xaruntaas oo aan tiradooda la sheegin.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka ayaa sheegay in xaruntaas lagu sameyn jiray dokumenti been abuur ah oo ay ka mid yihiin warqadda dhalashada iyo sugnaanta ee dowladda hoose ay bixiso iyo dokumenti kale.

“Waxaa jira jira xarumo kale oo oo sameeya waraaqaha been abuurka ah, daba gal ayaana ku sameyn doonaa cidii lagu qabtana xabsi ayey muteysan doontaa” sidaas waxaa yiri masuul ka tirsan maamulka gobolka Banaadir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com  

- Advertisement -