Qodobo xasaasi ah oo looga hadlay kulanka Aqalka sare ee Baarlamanka Somalia (Sawirro)

Golaha Aqalka Sare Baarlamanka Somalia ayaa Kulan ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kalfadhiga 5aad kulankiisa 7-aad iyadoo ajandaha kulanka ahaa Ka doodista dib-u-eegista Xeer-hoosadka ee Golaha Aqalka Sare, waxaana shir Guddoominayey Guddoomiye Ku-xigeenka 2aad ee Aqalka Sare BFS Senator Mowliid Xuseen Guhaad.

Senatarada ayaa ka dooday dib-u-eegista Xeer-hoosadka Golaha Aqalka Sare.ugu dambeyntii, Guddoomiyaha Guddiga Xeer Hoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda iyo Daryeelka Sanatarada.

Senator Xassan Faarax Xujaale ayaa uga mahadceliyey Senatorada soo jedintooda asagoo sheegay in ayagoo ka duulaya soo jeedinta Senatorada ay wax ka badal ku sameeyn doonaan qaar ka mid ah qodabada Xeer-hoosaadka Golaha wuxuuna tilmaamay in Golaha dib ugu soo celin doonaan si uu go’aan uga gaaro .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -