Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiir Sabriye oo mar kale gaaray Dhuusamareeb & xog ku aadan ujeedka safarkiisa (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa gaaray maanta mar kale Magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Wufuuda ka socota Dowladda Federaalka ee maanta tagay Dhuusamareeb waxay Ahlu sunna la meel dhigi doonaan xal u raadinta khilaafka ka ka dhashay Ahlusunna oo diiday Guddiga dhismaha Galmudug oo ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya Magacowday.

Maalmahan ugu dambeeyay ayaa waxay wada-hadallo hoose u socdeen dowladda Federaalka iyo hoggaanka Ahlu sunna oo diidanaa Guddigii farsamada iyo dhismaha Galmudug ee Wasaaraddu magacowday.

Lama oga waxyaabaha ay ku heshiin doonaan wafdiga ka socda dowladda ee maanta tagay Dhuusamareeb iyo hoggaanka Ahlusuna, balse khilaafaad labada dhinac horey u soo dhex galay labada dhinac ayaa la xaliyey dedaalo badan ka dib.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Tirada Ciidamada ATMIS looga dilay Soomaaliya oo la shaaciyay iyo labo dal oo u badan

Cabdi Cade

Maxkamada ciidanka Jubaland oo dil toogasho ah ku xukuntay labo askari (Akhriso)

Caydiid Ali

Gudoomiye Cumar Filish oo kormeeray goobo iyo Jidad ku yaalla Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---