Gudoomiye Cumar Filish oo kormeeray goobo iyo Jidad ku yaalla Muqdisho (Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa waxa uu kormeer ku tagay qaar ka mid ah xarumaha dowlada hoose iyo wadooyinka Muqdisho.

Isgoyska Fagax oo ka mid isgoysyada ugu mashquulka badan ee magaalada Muqdisho ayaa ka mid ah goobaha uu kormeeray gudoomiyaha halkaasoo uu biya dhigay roobkii da’ay iyadoo uu hakad galay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha hasa’ahaate waxa ay dowlada hoose Xamar ka wadaa howlo lagu nadiifinayo wadadaasi.

Xarunta dhallinyarada gobolka Banaadir ayuu sidoo kale duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Filish booqday waxaana uu warbixin ku saabsan dhismaha xaruntani iyo howlaha lagu qabtay ka dhageystay hogaanka ururka dhallinyarada gobolka Banaadir.

Xarunta dad dhigista dowlada hoose Xamar ayuu kormeerkiisa isla xisaabtanka ah ku soo gunaaday guddoomiyaha gobolka Banaadir waxaana uu kula dardaarmay taliska ciidanka Ilaalinta dowlada hoose inaan la aqbali doonin habacsanaan ku imaada howlaha bulshada loogu khidmeynaayo iyo bilicda caasimada.

Waxaa uu sidoo kale kormeeray waaxda dad-dhigista oo kula kulmay agaasimaha waaxdaasi Sharmaarke Abuukar iyo shacabkii loo khidmeynaya isagoo ka xog-wareystay howlaha kala duwan oo ay bulshada u hayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -