Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ku dhowaad 270 dhaqtar oo ka qelin jebiyay Kuliyada Caafimaadka ee Jaamacada Benadir (Sawirro)

Dufcadii 13aad oo ka kooban arday tiradoodu gaareyso 269 dhaqtar ayaa ka qelin jebiyay kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Benaadir ka dib markii ay dhameysteen waxbarasho adag iyo halgan ay muddo lix sano ah ku soo jireen.

Munaasabad ay ardaydan aflaxday ku difaacanayeen buugga qelin jebinta (Thesis Defence) ayaa lagu qabtay Kambaska Dr. Ibrahim Caddow ee Jaamacadda Benadir oo ku yaalla magaalada Muqdisho halkaasoo ay ku soo bandhigeen cilmi baarisyo muddo socday oo ay ka sameeyeen xaaladaha dhinaca Caafimaadka ee ka jira qaar ka mid ah isbitaalada, xaafadaha Muqdisho iyo xeryaha Barakacayaasha.

Masuuliyiin iyo macalimiin ka tirsan Jaamacadda Benaadir, ardayda difaacaneysay buugga qelin jebinta, aqoonyahano, waalidiin iyo marti sharaf kale ayaa munaasabadaas goob joog ka ahaa.

Hormuudka kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Benaadir Dr. Tahliil Cabdi Afrax oo munaasabada ka hadlay ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in ardayda qelin jebisay ay wixii maanta ka dambeeya yihiin dhaqaatiir Qaliin iyo daweynba sameyn kara, isagoo xusay inay muujiyeen dadaal badan oo waqti dheer qaatay, ayna la mid yihiin hadda ka dib dhaqaatiirta asaagood ah ee ka baxday Jaamacadaha caalamka maadaama buu yiri ay heystaan shahaado caalami ah.

“Anigoo ku hadlaya magaca Maamulka, Macalimiinta hormuudyada iyo mu’asasada Jaamacada Banaadir waxaan ku faraxsanahay inaan si rasmi ah ugu dhawaaqo in 269 dhaqtar ay ka qelin jebiyeen kuliyadda Caafimaadka ayna wixii hadda ka bilowda yihiin dhaqaatiir daweyn iyo qaliinba sameyn kara” ayuu yiri Dr. Tahliil.

Diiwaan hayaha Jaamacada Benaadir ayaa munaasabada ka tiriyey magacyada 10-ka arday ee ugu sareysay dufcada 13aad, waxaana kaalinta koowaad galay Nuuradiin Maxamed Nuur oo ku qelin jebiyey darajada A+ 97.23, iyadoo kaalinta labaadna ay gashay Maryama C/llaahi C/raxmaan oo ku qelin jebisay darajada A+ 96.56, halka kaalinta 3aadna ay soo buuxisay Caa’isha Max’ed Macalin Muuse oo ku qelin jebisay darajada A+ 95.99.

Guddoomiyihii hore ee Jaamacadda Benadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar ayaa isna sheegay inuu farxada iyo hambalyada la wadaagayo ardayda ka qelin jebisay Kuliyadda Caafimaadka oo uu xusay inuu guddoomiye u soo ahaa shan sano oo ka mid ah xiligooda waxbarashado ka hor inta uusan xilka wareejin bishii January ee sanadkan, wuxuuna kula dardaarmay iney dedaalkooda sii wadaan isagoo u mahad celiyey masuuliyiinta iyo Macalimiinta Jaamacadda ee heerkan soo gaarsiiyey.

Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir Dr. Maxamed Maxamuud biday oo isna munaasabadan ka hadlay ayaa u hambalyeeyey ardayda qelin jebisay, wuxuuna sheegay in dufcadan ay tahay tii ugu badneyd ee mar kaliya ka qelin jebisa kuliyadda Caafimaadka mudadii 17-ka sano aheyd ee ay jirtay. Wuxuu sheegay in marka lagu daro dhaqaatiirtan cusub ay Kuliyada Caafimaadka ee Jaamacadda Banaadir ka qalin jebiyeen 1,239 dhakhtar, taasoo uu xusay iney tahay guul u soo hoyatay Jaamacadda iyo calaamad muujineysa kaalinta hormuudnimo ee ay kaga jirto horumarinta Caafimaadka dalka.

“Waxaan farxada la wadaagayaa dufcadii 13aad ee soo dhameysata kuliyadda dhaqtarnimada ee Jaamacada Benaadir ka dib lix sano oo dedaal dheer iyo Juhdi badan la soo waday wixii maanta ka dambeeya waxaad tihiin dhaqaatiir, masuuliyad buuxda ayaana idinka saaran Caafimaadka bulshada Soomaaliyeed” ayuu yiri Dr. Biday.

Waxa uu intaas ku daray gudoomiyuhu in Jaamacada Benaadir la aasaasay sanadkii 2002 xilli aysan jirin wax dhaqaatiir Soomaliyeed oo muddo 12 sano ah ka soo baxay jaamacado, burburka dalka ka jiray awgeed, wuxuuna xusay in Jaamacadu ay guul u tahay in 17 sano ka dib ay soo saartay in ka badan kun dhaqtar, isagoo ugu dambeyna hadalo dardaaran ah u jeediyey dhaqaatiirta qelin jebisay.

Guddoomiyaha Mu’asasada Tacliinta sare ee Banaadir Dr. C/llaahi Shiikh Xuseen (Bushkuleeti) oo isna munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in Jaamacadda Benaadir ay buuxisay kaalintii Jaamacaddii hore ee Umadda, ayna soo saartay dhaqaatiir fara badan oo haatan ka shaqeeya dalka iyo dibeda, isagoo ardayda qelin jebisay u sheegay in waxbarashadii rasmiga aheyd ay hadda ka dib u bilaabatay, aysan maankooda gelinin in ay halkaas ku dhamaatay isagoo ugu hambalyeeyey guusha ay gaareen.

Ugu dambeyn waxaa munaasabadaas ka hadlay Prof. Cusmaan Maxamuud Dufle oo ka tirsan xubnaha aqalka sare ee dalka oo sheegay in ardayda ka qelin jebisay kuliyada Caafimaadka ee Jaamacada Banaadir ay yihiin kuwo nasiibku saaciday maadaama kuliyadaas ay ku kulmeen macalimiintii ugu badneyd ee ka soo baxay Jaamacaddii hore ee Ummadda.

“Waxaan idinkugu hambalyeynayaa dedaalka aad muujiseen mudadii lixda sano aheyd ee aad waxbarashada soo wadeen, waxaana la idinkaga baahan yahay waxbarashadiina inaad sii wadataan, qeybta taqasuska ee Jaamacada Benadir-na waxaa diyaar idinkugu ah taqasusyo kala duwan oo aan la kaashanay Jaamacado ku yaalla Turkiga iyo ugandha” ayuu intaas ku daray Prof. Dufle oo sidoo kale ah madaxa qeybta waxbarashada heerka labaad ee Jaamacada Benaadir (Master Degree).

Munaasabadan oo ku dhamaatay jawi farxadeed ayaa waxaa sidoo kale hadalo isugu jiray hambalyo iyo dardaaran ka jeediyey xubno ka tirsan Maamulka, Mu’asasada iyo Macalimiinta Jaamacada Banaadir, iyagoo ardayda qelin jebiyay siiyey tilmaamo iyo tusaalooyin, una rajeeyey mustaqbal wanaagsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Soomaaliya oo mar kale ka mid noqotay Liiska Xayiraada Canshuuraha ee Ruushka

Cabdi Cade

Rag ka tirsan Al-Shabaab oo la qabtay iyagoo ku sii jeeda buuraha Galgala

Caydiid Ali

Raaf ka dhan ah ajaaniibta oo saakay ka bilowday magaalada Garowe

Cabdi Cade
Taboola Ads ---