Tirada Ciidamada ATMIS looga dilay Soomaaliya oo la shaaciyay iyo labo dal oo u badan

Soomaaliya waxaa howlgal nabbad ilaalin ah u jooga ciidamo badan oo  kala socda dalalka Uganda, Burundi, Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya, waxa ayna ciidankan iyo kuwa kale oo booliis ah ku howlgalaan magaca ATMIS.

Ciidankan ayaa intii ay joogeen Soomaaliya la kulmay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac kasoo gaaray dagaalo ay la galeen kooxda Al Shabaab iyo sidoo kale weeraro kale oo gaadmo ah oo kooxdaasi kusoo qaaday.

Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Maxamed El-Amine Souef ayaa markii ugu horraysay ka hadlay tirada ciidamada hawlgalka uga dhintay iyo kuwa uga dhaawacmay muddada ka badan 16-ka sano ee ay joogeen Soomaaliya.

Maxamed El-Amine Souef ayaa sheegay in ciidamada ATMIS 16-ka sanno ee Soomaaliya howlgalka u joogeen in looga dilay askar gaareysa  3,500 , waxa uuna tilmaamay in tiro intaas ka badana ay kaga dhaawacmeen ciidamada ATMIS howlgalka ay u joogaan dalka.

Waxa uu sheegay Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya in askarta Soomaaliya lagu dilay 16-kii sanno ee lasoo dhaafay in ay u badnaayeen ciidamo ka socday dalalka Burundi iyo Uganda.

Madaxa ugu sareeya ciidamada ATMIS ee howlgalka u jooga Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada la dilay iyo kuwa dhaawacmay Soomaaliya u yimaadeen sabab wannaagsan uu tilmaamay in ay aheyd nabbad ilaalin iyo in ay caawiyaan dowladda Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -