Wiil ka ooyay Arooska Walaashiis oo raali galin bixiyay iyo Sababta keentay !!

Ragga ku nool dalka Chechnya ayaa lagu tiriyaa kuwa ugu adag caalamka, waana sawir uu maamulka dalka jecel yahay in la  adkeeyo. Sidaa darteed, wax kasta oo dhaawacaya sumcadda lagu helay sida adag waa in laga fogaado.

Balse nin dhallinyaro ah oo ka ooyay arooska walaashiis ayaa loo dhigay cashar ku saabsan dhaqanka lagu garto ragga u dhashay Chechnya.

Sida uu tilmaamayo taariikh-yahanka Zelimkhan Musaev, dareenka lagu muujiyo xafladaha arooska lama oggola xattaa haweenka ayaan sameyn karin. Sidaa darteed, muuqaalka wiilka dhallinyarada ah ee ka ilmeeyay arooska walaashiis ayaa si weyn loogu baahiyay baraha Internet-ka.

Dad badan ayuu ka carreysiiyay muuqaalka sida madaxweynaha dalka Ramzan Kadyrov oo cambaareeyay xadgudubka lagu sameeyay dhaqamada iyo caadooyinka u yaalla Chechnya.

Da’yarka ayaa la aqoonsaday, waxaana lagu qasbay in uu raali gelin ka bixiyo muujinta dareenka xad dhaafka ah ee xafladaha arooska walaashiis.

Muuqaalada tilmaamaya ragga dalka oo muujinaya ooyin ma aha kuwa la aqbali karo ayaa cinwaan looga dhigay muuqaal yar oo lagu qasbay in uu soo duubo wiilka si uu raali gelin u siiyo madaxweyne Ramzan iyo shacabkiisa.

Dhaqamada Chechnya waxaa kamid ah in ragga yihiin kuwa saaxiib la ah adeeg iyo dhiiranaan, mana laga aqbalo jilcanaan xadka ka baxsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -