(Akhriso) DF oo amaro culus ku soo rogtay xarumaha Caafimaadka iyo Isbitaalada

WAR-SAXAAFADEED

BAARITAAN XAQIIJINEEDYADA LA XIRIIRA COVID-19

18 March 2020- Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada iyadoo gudanaysa waajibkeeda qaran ee ka saaran badqabka bulshada Soomaaliyeed, isla markaana hubinaysa in adeeg kasta ee bulshada loo samaynayo uu noqdo mid ku qotoma hab-raacyada caalamiga ah iyo kuwa Wasaaradda u dagsan, waxay soo saaraysaa war-saxaafadeedkan:

1. Wixii tijaabo xaqiijineed ah ee la xariira COVID-19, waxaa samaynaya Shaybaarka Guud ee Wasaaradda Caafimaadka oo kaliya

2. Si looga fogaado walwal-galinta bulshdada iyo faquuqa la xariira xaaladaha caafimaad ee caabuqan laguma baaari karo cudurka COVID-19 dhammaan xarumaha caafimadka gaaarka loo leeyahay iyo kuwa danta guudba.

3. Wasaaradda iyadoo ilaalinaysa tayada baaritaannada iyo badqabka xirfadlayaasha caafimaadka, waxaa reeban soo dajinta iyo ka ganacsiga qalabka lagu baaro COVID-19. Dawladda kaliya ayaa soo iibin karta, gaynna karta qalabkaas xarumaha loogu talagay in lagu hubiyo caabuqa COVID-19.

Dhammaad

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -