Madaxweyne Erdogan oo shuruudo adag miiska loo saarayo xili uu dalkiisa dagaal ku jiro

Dowlada Mareykanka ayaa sii xoojineysa cadaadiska ay saareyso Xukuumada Ankara si loo hakiyo duulaanka ciidamada milatariga Turkiga ku qaadeen magaalooyin kuyaala Waqooyiga dalka Siiriya .

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shalay ku dhawaaqay inuu dalka Turkiga u dirayo wafdi heer sare ah oo uu hogaaminayo ku xigeenkiisa Mike Pence, waxa uuna sheegay in wafdigan Turkiga ku cadaadinayaan joojinta dagaalka.

Wafdigan uu hogaaminayo Mike Pence uu ku jiro wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa maanta oo arbaco ah la filayaa in ay gaaraan dalka Turkiga si ay madaxda Turkiga ugu cadaadiyaan joojinta duulaanka Waqooyiga Siiriya.

Mike Pence ayaa la filayaa in beri oo khamiis ah la kulmo madaxweyne Erdogan ,waxa uuna Mike miiska u saari doonaa Erdogan shuruudo ay ku jiraan xabad joojin deg deg ah wada-xaajood ay Turkiga kala galaan arrinta dib u dejinta qaxootiga Siiriya.

Wafdiga Mareykanka ayaa sidoo kale Madaxda Turkiga kala hadli doona arrinta cunaqabateynta uu Mareykanka saaray Turkiga, Mareykanka ayaana wacad ku maray in lasii xoojin doono cunaqabateynta hadii uusan Turkiga ka laaban weerarka Siiriya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -