Gaari uu lahaa Taliye ciidan oo la qarxiyay iyo Faah faahino kasoo baxaya (Daawo Sawirada)

Wararka ka imaanaya Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee maamusho Puntland ayaa sheegaya in saakay halkaasi uu ka dhacay qarax nuuca gaadiidka raaxada hoosta looga soo xiro.

Qaraxa ayaa lagu xiray gaari uu lahaa Taliyaha saldhiga bartamaha waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Puntland Cabdiqani Jaamac Axmed (Xabuun), qaraxa ayaana la doonayay in lagu dilo taliyaha.

Sida aan wararka ku helnay taliyaha ayaa inta uusan gaariga galin ogaaday in uu qarax ku xiran yahay, waxa uuna kadib war galiyay laamaha amaanka kuwaa oo ku guuleestay in dadka ka fogeeyaan halka uu yaalay gaariga qaraxa lagu xiray.

Gaariga ayaa qarxay daqiiqado kadib markii la ogaaday in uu qarax ku xiran yahay, waxaana la sheegay in uusan jirin wax khasaaro ah oo ka dhashay qaraxan saakay ka dhacay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Booliiska Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa bilaabay baaritaano lagu ogaanayo cida gaariga qaraxa ku xirtay, waxa uuna taliyaha qaraxa ka bad baaday sheegay in gaariga qaraxa loogu xiray uu yaalay barxada gurigiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -