Iran oo ku hanjabtay iney jawaab culus ka bixin doonto Markab laga qarxiyey

Iran ayaa sheegtay in weerarkii lagu qaaday markab saliidda qaada oo ay Tehran leedahay loo adeegsaday gantaal, ayna jawaab kulul ka bixin doonto.

Wakaaladda wararka ee Iran IRNA oo soo xigatay afhayeenka xukumadda Tehran Cali Rabiic ayaa sheegtay Markabka weerarka loo geystay ee Sabiti inuu marayey Jimcihi biyaha dalka Sacuudiga.

Iran waxya kaloo sheegtay iney baaritaanka ay ku waddo weerarkaasi uu gebagebo marayo natiijada ka soo baxda iyadoo ka duuleysana ciddi weerarkaasi ka dambeysay ay jawaab waafi ah siin doonto.

laamaha amniga Iran wuxuu sheegay iney hayaan muuqaal muujinaya weerarkaasi sida uu u dhacay iyada oo muuqaalka lagu arkayo laba gantaal oo markabka lala beegsaday.

“Guddi arrintan baara ayaa loo saaray waxayna guddiga warbixintooda ku saabsan weerarka lagu qaaday markabka saliidda qada ee Iran waxaana loo gudbin doonaa madaxda ugu sarreysa ammaanka dalka Iran,” ayuu yiri Cali Shamkhani oo ah xoghayaha hay’adda ammaanka ugu sarreysa dalka Iran.

Tani iyo bishi May ee sanadkan waxaa gobolka ka dhacayey weerarro loo geysanayey maraakiibta saliidda qaadda oo ay leeyihiin waddamo kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -