Masaarey ima goyseen Hadduusan Gibilkey kugu Jirin, Aan ooyee albaabka ii xira..!!

Gef, gardaro iyo tacadi ayaa shallay dusha uga dhacay Soomaaliya, hadal u muuqday ijaafo ayaa lagula kacay madaxda gayigeena, Maah-maah aan qabanin Qaranka Soomaaliyeed ayaa loo adeegsaday, meel ka dhac midkii ugu xumaa ayaa loo gaystay masuuliyiinta wadankeena!

Madax-xanuun iyo kaar ayaa ka qaaday hadalkaas, shib ayaa iga soo hartay, wax aan sameeyo ayaa garan waayay, waa qaadan waayay sida loogu dhiiradey af-lagaadada heerkaas garsiisan, la yaab ma leh siyaasaddu waa lagu kala aragti duwanaan karaa, laakiin lama qaadan karo in lala yimaado Caay dhaawici karta Qaranimada Soomaaliya.

Dhawaq aan maqlo midkii iigu xumaa ayaa dhagahayga ku soo dhacay, ishiis laga arkaa ushiis lagu tumaa ayaa maqli jiray, waa duni Aaqiro sabaan, waa nasiib-darro inaan goob joog ka ahaano, haddana aan waxba ka qabin karin gefefka dalkeena loo gaysanayo, Aan ooyee albaabka ii xira ayay iga taagan tahay!

“Soomaalidu waxay dhahdaa Islaan aan Uunsan jirin hadday Uunsato meelo aan laga guban jirin ayay ka gubataa, hadda waxaan u malaynayaa Soomaaliya dad siyaasiyiin ah oo awal aan Uunsan jirin ayaa hadda Uunsanaya, marka meelo badan ayaa laga gubanayaa”ayuu yiri Xildhibaan Aadan Barre oo hadalkiisa lagu soo dhaweeyay qosol badan iyo sacab xoog leh!

Madax Soomaaliiyeed ayaa hadalkaas ku raaxaysanayay, Oraahdaas ayaa noqotay midda loogu hadal-heynta badan yahay, inkastoo lagu kala qeybsan yahay jawaabaha laga bixiyay ayaa haddana inta badan dadka Soomaaliyeed waxa ay ka gil-gisheen hadalkaasi gefka ah ee ka soo baxay Xildhibaanka reer Kenya.

Waa iska xaal adduun, waa ayaan-darro in Aadan Barre uu ka xishoon waayo madaxdii Soomaaliyeed ee uu shallay taageerayay, waxaase ninkaasi iiga sii xanuun badan siyaasiyiintii u sacbinaysay markii uu u gefayay astaamaha Qarannimadooda.

Hadalkan ayaa ku soo beegmay waqti ay Soomaaliya xagga siyaasadda ku kala tagsan tahay, hubaashii Aadan Barre iyo kuwa la midka ah waxay ka faa’iidaysanayaan waa arintaas, Soomaalaay haddii aad tashan weydo waa lagu talin.

W.Q: C/llaahi Xasan Shiikhaalow
Muqdisho, Somalia

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -