Weerar Khasaaro geestay oo lagu qaaday garoon diyaaradeed oo kuyaala Sacuudiga

Kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalanta dalka Yaman ayaa weerar gantaalo loo adeegsaday maanta oo arbaco ah ku qaaday garoonka diyaaradaha magaalada Abha ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Inta la xaqiijiyay 26-ruux ayaa ku dhaawacmay gantaaladan ku dhacay garoonka diyaaradaha magaalada Abha, dadka ku dhaawacmay weerarkan ayaana la sheegay in ay kasoo kala jeedaan dalal kala duwan.

Afhayeen u hadlay Isbaheysiga uu Sacuudiga hoggaamiyo ee Xuutiyiinta kula dagaalama dalka Yaman ayaa sheegay in dadka weerarka ku dhaawacmay ay sugayeen diyaarado ay raacaan, waxa uuna xusay dadka dhaawaca ah in ay ku jiraan haween iyo caruur.

Kooxda Shiicada Xuutiyiinta ee ka dagaalanta dalka Yaman ayaa kordhiyay weerarada gantaalada loo adeegsado ay ku qaadaan dalka Sacuudiga, waxa ayna marar badan kooxdan gantaalo ku weerareen goobo kuyaala Sacuudiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -