Meydka Jeneraal Qasim oo la geeyay Tahran iyo Baroor diiq balaaran oo loo sameeyay (Daawo Sawirada)

Kumanaan kun oo qof ayaa isugu soo baxay wadooyinka magaalada Tahran ee caasimada dalka Iiraan si ay baroor diiq ugu sameeyaan Jeneraal Qasim Sulemani oo Jimcihii duqeyn ku dileen diyaaradaha dagaalka Mareykanka.

Meydka Jeneraalka oo la galiyay naxash la huwiyay calanka Iiraan ayaa la geeyay magaalada Tahraan, waxaana baroor diiq loo sameenayay kasoo qeyb galay Hogaamiyaha Ruuxiga ee Iiraan, Ayatollah Khamenei, iyo masuuliyiin badan oo Iiraaniyiin ah.

Xildhibaanada Baarlamanaka Iiraan, Masuuliyiin iyo dad kale oo badan ayaa ku dhawaaqayay ha dhaco Mareykanka iyo ereyo kale, waxaa sidoo kale dadka isku soo baxay gubayeen calamada Mareykanka iyo Israa’il.

Dadka isugu soo baxay Baroor diiqda loo sameenayay Madaxii Cutubka Qudus ee katirsan Ilaalada Kacaan Iiraan ayaa u muuqday kuwa si weyn uga careesnaa dilka Mareykanka u geestay Jeneraalkan laga jeclaa gudaha Iiraan.

Dowlada Iiraan ayaa ku hanjabtay in ay u aar gudi doonto Jeneraal Qaasim Suleemani iyo xubno kale oo Iiraaniyiin ah oo lala dilay, waxaana dilkan abuuray xiisad dagaal oo laga xabsi qabo in uu dhax maro Mareykanka iyo Iiraan.

- Advertisement -