Imaaraadka oo Ciidamo badan ka dilay Dowlada Yemen iyo xiisad sii xoogeesatay

Diyaaradaha dagaalka Imaaraadka Carabta ayaa duqeyn culus oo ay ka fuliyeen magaalada Cadan waxa ay ku dileen ciidamo badan oo la sheegay in ay daacad u yihiin Dowlada caalamku aqoonsan yahay ee Yemen.

Wasiirka warfaafinta dowlada Yemen, Muammar al-Iryani ayaa sheegay in duqeynta ka dhacday magaalada Cadan lagu dilay 40 ka mid ah ciidamada dowladda, laguna dhaawacay 70 qof oo shacab ah.

Waxa uu sheegay Wasiirka in ciidamada Imaaradaka ee qeybta ka ah Xulufada Sacuudiga ay weerar kusoo qaadeen ciidankooda iyaga oo taageerayay kooxda gooni ugoosadka ah ee dagaalka kula jirta dowlada Yemen .

Dhinaca kale War kasoo baxay dowlada Imaaraadka ayaa lagu sheegay in duqeyn ay diyaaradahooda ka fuliyeen magaalada Cadan lagu dilay koox ay ku sheegeen in ay argagaxiso yihiin.

“Duqeyn sidii la rabay u dhacday oo toos ah” ayaa arbacadii iyo khamiista lala beegsaday maleeshiyaad argagaxiso ah oo ku sugnaa magaalada Cadan ” ayaa lagu yiri bayaan maanta oo jimco ah kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Imaaraadka .

Bayaanka kasoo baxay dowlada Imaaraadka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidankooda ay qaadeen tallaabo is-difaac ah, kadib markii weerar ay soo qaadeen koox hubeysan oo ku xiran ururo argagixiso.

Xiisada u dhaxeysa dowlada Yemen ee taageerada ka hesha Sacuudiga iyo dowlada Imaaraadka oo iyana taageerta kooxda gooni u goosadka ayaa sii xoogeesanaya, waxaana laga cabsi qabaa in Imaaraadka toos ugu milmo dagaalka ka socda magaalada Cadan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -